Videos

ALSHABAAB OO SOO BANDHIGTAY WAR AANAY HORE U SHAACIN HALKAN KA DAAWO

Video Posted on

Mid ka mida wariyayaasha chanel 4 oo lagu magacaabo jamaal osmain ayaa soo bandhigay waraysi uu kag ahadlayo xarun alshabaab leedahay iyoI waxyaabuhuu kusoo arkay halkan ka daawo warkaas oo faahfaahsan guji oo daawo hoos

Aaska Nelson Mandela

Video Posted on

Nelson Mandela ayaa lagu duugayaa magaalada uu ka soo jeedo qoys ahaan ee Qunu ee ku taal Eastern Cape, tani oo soo gabagabeyneysa toddobaad baroordiiq loo sameynayay hoggaamiyihii ugu horreeyay ee madow ah dalka Koonfur Afrika.
Ilaa 4,500 qof oo ay ku jiraan madax ajnabi ayaa ka qeybgalaya aaska loo sameynayo kaasi oo noqonaya mid dhaqameed.
Xubno ka tirsam qoyskiisa ayaa xalay ka qeybgalay duco loo sameynayay, iyada oo heeso dhaqameed lagu ammaanayo halgankiisi iyo noloshiisi dheereyd loo qaaday.
Nelson Mandela waxa uu dhintay 5 December isaga oo 95 jir ah.
Mr Mandela beesha uu ka dhashay ee Thembu ayaa waxa ay qabsan doonaan xaflad dhaqameed, isugu jirta heeso iyo gabayo.
Naxashkiisa ayaa waxa kor laga saaray maqaar libaax.
Dadka ka qeybgalaya aaska waxaa ka mid ah Amiirka Wales. Dhawr Madaxweynayaal Afrikan ah iyo Madaxaweyne ku xigeenka dalka Iran.
Baaderiga Desmond Tutu – oo saaxiib muddo dheer ay ahaayeen Nelson Mandela – ayaa xaqiijiyay inuu ka soo qeybgalayo, kadib markii mar sii horreysay uu sheegay in aanu tagi doonin oo uu joojiyay safarkiisi sababtuna uu ku sheegay in aanu helin casuumad.
Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay in Baaderiga la siiyay wax uu uga soo qeybgalo, laakiin aanay jirin casuumaad rasmi ah oo la diray.