Waxaynu ogayn dhacdadii ama falkii lagula kacay Wargayska Hubaal cidii gaysatay iyo siddii uu u qiray taliyuhu inay labada nin ee falkaa gaystay ka tirsanaayeen ciidanka bilayska, maxaynu sugaynay?

Posted on

Image

waxaynu sugayanay in labada nin kii ay qabteen Hawlwadeenada wargaysku maahee kii kalena la soo qabto si loo horgeeyo maxkamada , maxaa dhacay? Waxaa dhacday in modo yar kadib la xidhay maamulkii wargayska isla markaana la xayiray wargayskii iyadoo daba socota arrintii hore ee labada nin afka u soo duubteen iyagoo raba inay khaarajiyaan mid kamida maamulka wargayska taasoo aan hore uga dhicin dalka, ka daroo dibi dhal waxaa iyana layaab sii noqotay cida ay noqdeen labadaa nine e afka soo duubatay iyagoo hubaysan , waxay noqdeen cidii qudha ee amaanka gudaha dalka u xilsaarnayd waa kuwee waa ciidankii bilayska

 

Hadaba intaasoo dhami iyadoo dhacday miyaa lasoo qabatay ninkii kale si labadaba marqudha maxkamad loo geeyoo? Qabasho lasoo qabto kii maqnaa daaye waxaaba ooda laga qaaday kii la hayay ee ay qabteen hawlwadeenada wargaysku iyagoo ku sababeeyay waxaa iman waayay ama dabagal ku samayn waayay dhibanihii falkaa lagula kacay. Ma dhibanahay ahayd inuu kiiska daba galo mise cid kalaa shaqadaa lahayd ? cida shaqadaa lahayd , cida amarka xayiraada fulinaysay iyo cida afka soo duubatay maxay kala yihiin? Su aalahaa jawaabtooda waxaan udaynayaa dadwayanaha iyo cidkasta oo sharciga wax ka garanaysa.

 

Waxaa xigay intaa inay dhibanayaashii mudaharaad ku muujiyaan xuquuddooda kaga maqan cidii amaanka ilaalinaysay taasoo ahayd in wax laga qabto falkaa isku dayga dilka ahaa ee lagula kacay wargayska Hubaal iyagoo umarayay habka uu udhigay dastuurku in ay marto cidkasta oo doonaysa inay xuquuqdooda ka maqan ku muujiyaan hab mudaharaad salmi ah. Waxay ka suurta gali wayday isla markaana hor istaagay cidii amaan ka dalka qaabilsanayd isla markaana xuquuqda dhibanayaasha kamaqnayd cidii ay kaga maqnayd ahayd .

 

Hadaba iyadoo xaalku halkaa marayo ayaan ku warhelay in ciidan hubaysan oo katirasan ciidanka bilayska qabsadeen xaruntii Wargayska Hubaal iyaagoo yidhi waxaanu sidana warqad xayiraadeed doonayayna inay qabtaan maamulka  wargayska maamulka wargayska  oo ah dhibanayaashii lagu soo weeraray xaruntooda kuwaas oo sugayay cid u raadisa xuquuqdaa ka maqan, hadaba goormay xayiraadi timaadaa ama warqad xayiraadeed maxkamadi qortaa iyadoo aanay kiisba furmin oon la qaadin xukuna dhicin? Miyaanay noqonayn sharcigana anagaa hayna fulintuna waa anaga ? sidaynu ognahayna dalku wuxuu ku dhisan yahay sharci shircigaas oo ay waajib tahay in ay ku dhaqmaan dhamaan cidkasta oo ku nool dalkan ha ugu horeeyo cida sharciga ku fadhida ee awooda qudha ee uu shicibka dheer yahay ay tahay sharcigaa saa maxayna inuu noqdo adeege u adeega umada reer Somaliland oo dhan, hadaba hadii uu sharciga ilaalin waayo cida qudha ee awoodiisu sharciga ahayd yaa ilaalinaya sharciga ama ku dhaqmaya ? ma waxaa ilaalinaya dadwaynaha ama shicib waynaha arkaya sida ay xukuumadu ubaalmarayso sharciyada dalka uyaala.

 

Markaynu dib ugu noqono xukuumada Kulmiye ee dalka ka talisaa waqtigay mucaaridka ahayd. Waxay ugu necebayd in lagu yidhaa sharciga ha la ilaaliyo, hadaba markaad eegto arintaa iyo xukuumadan kulmiye habka ay sharcigii ugalayso miyaynaan odhan karayn  sharcigay tartamayeen oo cida kaliya ee ay is hayeen ama ay iska soo horjeedeen waxay ahayd sharciga , waxaanan qoraalkayga ku soo gunaanadayaa sharciga ha la ilaaliyo. 

by craxmaan badel cumar

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s